|
Maamulka Gobolka Banaadir |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Sunday, 04 November 2007 |
|
Mogadishu, (insidesomalia.org) - Kulan ay maanta yeesheen Guddiga Amaanka G.Banaadir iyo Maamulka Gobolka ayaa waxaa lagu mamnuucey Banaanbaxyada ay dhiyagayaan shacabka oo ay uga soo horjeedaan joogitaanka Dowlada Ethopia.
Kulanka manta ay isugu yimaadeen maamulkaGgobolka ayaa waxaa Shirgudoominayey Gudoomiya Gubolka Banaadir ahna Duqa Magaala mogdishu Mr Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere.)
Afhayeenka Gobolka Banaadir ahna Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Gobolka oo kulankaa kadib warbaahinta kula Hadley Xarunta Gobolka ayaa faah faahin kabixiyey Qodobadii ka soo baxay kulankaasi.
Afhayeen ayaa sheegey in wixii xiligan ka danbeeya aan la qaban karin Bannaanbax aan la soo wargelin fasaxna ka heysan Maxkamadda Gobolka Banaadir isla markaana aan la soo wargelin Duubabka Dhaqanka iyo Odayaasha beelaha.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in kooxdii sameysa Banaanbax intaa ka baxsan loo qaadanayo iney yihiin kuwo qas wadayaal ah oo qal qal gelinaya Amaanka Gobolka Banaadir waxaana loo baahan yahay buu yiri dibadbaxayaasha in ay dareenkooda ku muujiyaan si nabadgelyo ah oo waafaqsan sharciga.
beriyahan danbe ayaa waxaa Magaalada Mogdishu si isdaba joog ah uga dhacayey Dibadbaxyo abaabulan oo rabshado wata kuwaasi oo ay dhigatyaan dadka diidan joogitaanka dowlada Ethobiya ee Somaaliya.
|